Matalaada Muqdisho Oo La Marin-habaabiyay

Uncategorized

Sida ay shaaciyeen Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxey soo saareen warbixno khuseeya Matalaada Doorashada ee Magaalada Muqdisho, waxeyna soo jeediyeen in lagu qeybiyo 4,5….

Soo jeedintaan Guddiga oo ay soo dhameystirayeen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii Gobolka Banaadir uu wax uga heli lahaa kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka, (7) Xildhibaanada Beelaha Waqooyiga ee Somaliland ay doorsho ka galaan Degmooyinka Gobolka Benadir iyo arrimo kale.

Talaabadaan ayaa horseedi doonto Khilaaf cusub, iyadoo la rumeysan yahay in beelaha dega Muqdisho ay ka dhiidhin doonaan in dad aan u dhalan gobolka ay Aqalka Sare ku matalaan, waxaana la sheegay in ujeedada ka dambeeysa ay tahay sidii doorshada Dib loogu dhigi lahaa

Meeqaamka Muqdisho:-

Qodobada marin-habaabinta ee ay xukuummaddu ku darsatay qorshaha guddiga doorasha, waa toddobo xubnood oo lagu magacaabay qaabka 4,5, Ujeedada laga leeyahay waa muran muddo ku dheeraysi, ee xukuumaddu haddii ay xal rabto, marka hore ha ogolaato dhismaha maamulka Banaadir, si maamulka gobolka Banaadir oo madax banaan uu toddobadaas xubnood usoo magacaabo.

Matalaad laguma tilmaami karo, guddoomiye gobol & toddobada xubnood oo la wada magacaabay.

38990cookie-checkMatalaada Muqdisho Oo La Marin-habaabiyay