Ethiopia, Kenya & Somalia Oo Iska Kaashanaaya Adkeynta Xududuuda…

Africa News

Dowladaha Ethiopia, Kenya iyo Somalia ayaa daah-furay mashruuca xuduudaha oo looga gol leeyahay in lagu adkeeyo amaanka xuduudka 3-da waddan, si loo xoojiyo Nabadaynta iyo Xasilloonida Gobolka, Daahfurka Mashruucaan ayaa ka dhacay Magaalada Mandhere..

Xaflada lagu Magaalada ayaa waxaa ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Kenya Mr.Rigathi Gachagua, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dalkiisa hirgelinta Mashruucaan, sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Dr.Maxamed Axmed Doodishe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu sugayo amniga ee laga sameynayo xuduudaha iyo hareeraha webiyada.

Wakiilka Sare ee UK Jane Marriott ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Dalka Britain inay taageerto Mashruuca Xuduudaha iyo barnaamijyada diirrada lagu saarayo nabadda iyo horumarka waarta ee gobolka, waxayna iftiimisay taariikhda, aayaha, iyo caqabadaha ay wadaagaan bulshooyinka saddexda waddan waxayna xustay in mashruucan uu gacan ka geysan doono ballaarinta dhinacyada wanaagsan ee ay wadaagaan bulshooyinkan.

255450cookie-checkEthiopia, Kenya & Somalia Oo Iska Kaashanaaya Adkeynta Xududuuda…