Diyaar-garow Dagaal Oo Dul Hoganaaya Degaanka Guricel

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Guricel Ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dhinacyada Xoogaga Suufiyada iyo Kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug Oo kaashanaaya kuwo Federaalka ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay, iyadoo laga cabsi qabo iney ku dul dagaalamaan Dadka Rayidka…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in Ciidamo isku dhaf ah (Gorgor, Harmcas iyo Maleeshiyo beeleedyo magaca Galmudug ku dagaalamaaya ayaa la sheegay iney isku uruursadeen agagaarka degaanka Ceeldheere, Ciidamadaan ayaa ku hubeysan Gaadiidka dagaalka, waxeyna isku diyaariyeen sidii ay weerari lahaayeen Xoogaga Suufiyada Oo Ku sugan duleedka Magaalada Guricel.

Sidoo kale Horjooge lagu magacaabo Faarax Fataat Oo wata tiro yar Oo gadiid dagaal wata ayaa ka soo dhaqaaqay tuulada Oodaale oo ka tirsan Gobolka Galguduud, wuxuuna qeyb ka yahay gulufka laga abaabulayo Magaalada Dhuusa mareeb, halka Kuwa kale oo ku hubeysan laba Gaadiidka dagaalka ay ka soo dhaqaaqeen Tuulada geeri-jir.

Xaalada Magaalada Guricel ayaa la sheegay iney kacsan tahay, iyadoo 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay ka barakaceen Dadka Rayidka ah kuwaasoo ka cabsi qabo in dagaalada Farmaajo iyo Qorqor abuublkooda wadaan iney dhibaato ka soo gaarto, iyadoo dhegaha laga fureystay dhamaan baaqyadii Nabadeed Ee loo jeediyay dhinacyadaan Wada abaabulka dagaal.

145881cookie-checkDiyaar-garow Dagaal Oo Dul Hoganaaya Degaanka Guricel