Safaarada Mareykanka ee Somalia oo Qoraal Cabasho ah u gudbisay Dowladda Federaalka..

Somalia news U.S.

Qoraal ay soo saartay Safaarada USA ee Somalia ayeey cabasho ugu gudbisay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowladda Federaalka, kafib markii xubno ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Wasiirka 1-aad iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur galbeed ay khatar galiyeen Ilaalada Amniga Safaarada…

Falkaan ayaa dhacay 17-kii Bishaan kadib Munaasabaddii sagootinta ee Danjiraha USA ee xilka ka degaya taasoo lagu qabtey xarunta Safaarada ee Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxeyna ku eedeeyeen iney hub ula soo baxeen, islamarkaana u gacan qaadeen 3-Xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Safaaradda Mareykanka.

“Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu”, Warqada eedeynta ah oo ay Safaaradda Mareykanka u jeedisay ilaalada Ra’iisul wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Laftagareen ayaanan wali kasoo bixin wax warcelin ah oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ilaalada labadaasi masuul.

258130cookie-checkSafaarada Mareykanka ee Somalia oo Qoraal Cabasho ah u gudbisay Dowladda Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com