Hey’adda IMF oo Warbixin ka soo Saartay Heerka Deyn Cafinta Dalka

Somalia news

Warar dheeraad ayaa lagu xusay Qoraal ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa lagu sheegay in warbixinta qiimaynta dib-u-eegista 5aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta Somalia….

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixinta ay soo saartay waxa ay ku sheegtay iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari – haddana Dowladda Federaalka horumar wayn ka samaysay shuruudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay iney yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo, iyada oo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka, Si kastaba, Dowladda ayaa dhawaan filaysa iney gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhameystiran.

247450cookie-checkHey’adda IMF oo Warbixin ka soo Saartay Heerka Deyn Cafinta Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com