Dalka Oo Qarka U Saaran Wadadii Burburka..

Uncategorized

Dhamaad waxaa ku dhow muddada xilhaynta hay’adaha distuuriga ee dalka taasoo ku eg horaanta Sanadka soo socda ee 2021. Waxaa loo baahan yahay inta uusan dhamman sanadkaan,  inuu dalka yeesho Gole Baarlamaan oo badala kan hadda jira si loo qabto doorashadii Madaxweynaha bilowga Sanadka soo socda, balse hadii laga laga fiiriyo sida uu Hadda xaalka yahay oo Galmudug ay 3-Madaxweyne iyo 3-Barlamaan.
Hadii uu xaalku sidaan ku sii socda waxaa sii yaraanaaya rajada laga qabay in dalka uu horumar ka sameeyo Dhismaha Nidaamka Dowliga ah, Waa dhab inay caqabado badan jiraan haddana ilaa iyo Carta sannadakii 2000 waxaa talada dalka isku badalay 5 madaxweyne oo hogaaminta dalka isaga dambeeyey, taasina waxay muujineysaa koboc siyaasadeed iyo inaan barannay in xilka uu yahay Meerto.
Mas’uuliyiinta xiligaan talada heysa, waxaa muddo 3- Sano ah ku mashquuleen iney si fudud u burburiyaan Nidaam dowladeed oo Curdan, iyagoo Dowlad Goboleedka Galmudug Canshuurta Magaalada Muqdisho u adeegsaday danahooda iyo iney dhisaan Maamul gacan ku rimis ah, waxaana laga faa’iiday iney 3-Madaxweyne iyo 3- Barlamaan yeeshaan, iyadoo haatan qarka loo saaran yahay inuu dagaal beeleedyo uu ka qarxo degaanada Galmudug.
Dhanka kale, Gobolada Jubooyinka ayaa waxaa ka socda abaabulo colaadeed iyo hub uruursi, iyadoo Magaalooyinka Bardheere, Doolow iyo Luuq la geeyay Ciidamadii Dowlada ee loogu tala galay iney difaacaan Caasimada iyo Shabeelooyinka, kuwaasoo Maamulka Farmaajo uu doonaayo inuu u adeegsado danihiisa gurcan ee siyaasadeed.
Hadaba, maxaa Shacbiga la gudboon iney ku baraarugaan qorshayaasha halista ah ee Uu Farmaajo iyo gacanyarayaashiisa ka wadaan Gobolada Gedo iyo Galguduud, iyadoo la ogyahay in Doraad Horjooge Saadiq John uu dhaqaale dhan 1-million oo US$ ah geeyay Magaalada Dhuusa mareeb si loo weeraro Xarunta Inj ee Hogaanka Suufiyada ay degan yihiin, nasiib wanaag Saraakiisha qaarkood ayaa ku gacan seyray qorshahaasi, iyagoo ku amray Horjogahaan inuu deg deg uga baxo Magaalada.

Isku soo wada duub, Waxaan shaki ku jirin In Dalka Somalia uu cagta saaray wadadii burburka, iyadoo xiligaan oo ah xili kala guur oo u baahan in si Miyiga leh loo maareeyo isla markaasna wada hadal tanaasul loo maro geedi socodka dhismaha Nidaam Dowladeed oo loo wada dhan yahay.

14360cookie-checkDalka Oo Qarka U Saaran Wadadii Burburka..