Digniino laga soo saaray Qorshe lagu Dhisaayo Xeryo Ciidan oo laga Hirgelinaayo Galmudug..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa war kasoo baxay Xafiiska Midowga Yurub Talaadadii 12-ka July ee ku aadanaa in la maalgelinayo Saldhig cusub oo Ciidan laga dhisayo Duleedka magaalada Dhuusamareeb kaasoo walaac xoogan ku abuuray Shacbiga Degaankaasi…

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa maleeshiyo beeleedyo kala duwan oo ku dhaqan Gobolka Galgaduud waxey wadeen Hub uruursi si ay uga hortagaan khataraha ka imaanaya beelaha ood wadaagta la ah Gobolkaasi, Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolkaan ayaa sababay dagaallo ay Dad badan ku dhinteen qaar kalena ku barakaceen oo ka dhacay dhulka miyiga ah ee ku xeeran Dhuusamareeb.

Axadii, July 9, ugu yaraan shan qof ayaa ku naf waayay degaanka Lebi Caano oo qiyaastii 35 kiiloomitir Dhuusamareeb. Bishii hore, iska horimaadyo rabshado wata ayaa ka socday inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Cadaado, kaasoo sababay dhimashada ugu yaraan 8 qof iyo dhaawaca in ka badan 10 kale. Dagaaladan ayaa ka dhashay muran ku saabsan lahaanshaha dhulka iyo gacan ku haynta tuulooyinka miyiga ah iyo is-balaarinta Beesha Madaxweynaha Galmudug.

Ilo wareedyo deegaankaasi ku sugan ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Arbacada uu dagaal beeleed ka qarxay duleedka Dhuusa mareeb (Duduble & Ceyr), iyadoo dagaalku uu ku fiday deegaanka Shuuriye Jige oo ku dhow deegaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud, xotgaan ayaa sheegtay iney sii kordhayaan Tababbarka maleeshiyaadka iyo qulqulka hubka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee soo gaaraya gobolka Galgaduud, taasoo sii xoojisay dagaal beeleedyada.

266060cookie-checkDigniino laga soo saaray Qorshe lagu Dhisaayo Xeryo Ciidan oo laga Hirgelinaayo Galmudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com