Imtixaan Adag oo Kalsooni Garsoorka Puntland la Hordhigay & Go’aanka looga Fadhiyo..

Somalia news

Inkastoo Maxkamada Sare Maamulka Puntland ay shalay gaarsiiyeen Dacwad kooxo Siyaasiyiin Degaanka ka soo jeeda kuwaasoo dacwad dhan ka ah Furista Dastuurka iyo wax ka bedelka qodobada qaarkood si loogu raali geliyo Maamulka (Dani) muddo xileedkiisu dhamaadka yahay…

Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha ee Puntland (Jaamac Faarax Xasan) ayaa ku eedeeyay Hogaanka Maamulka Puntland inuu Degaanka gelinaayo dagaal sokeeye oo horseedi kara Barakac iyo Qax isla markaasna uu ku dhibaateenaayo Dadkii uu Hogaanka ku aaminay.

Iyadoo Khubarada Arrimaha Puntland ay ka digeen in kalsoonida lagu qabi karo ga’aanada Maxkamada Garsoorka, iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada lagu eedeeyay inuu aad u taageersan yahay Saciid Dani, lagana cabdi qabo inuu gaaro Go’aan dhinac ka raran, iyadoo Dacwado horey loogu gudbiyay kuna aadan 8-Xildhibaan oo laga eryay Baarlamaanka sifo asn sharciga ku fadhin.

Dadweynaha degaanada Puntland ayaa si dhow ula socda xiisadaan sida ay Garsoorka Maxkamada u maareyso Dacwadaan maadama Dacwadii hore Xubnahii Xildhibaanada gudbiyaan oo aan war dambe laga maqlin, taasoo shaki badan laga qaaday, In dastuurka la furo waxay sababtey dagaal culus oo ka dhacay magaalada Garoowe taariikhdu markey ahayd 20-kii bishii Juun ee la soo dhaafey, kaasoo dhaliyey khasaaro baaxad leh, ilaa haddana aan laga gaarin wax xal ah.

266030cookie-checkImtixaan Adag oo Kalsooni Garsoorka Puntland la Hordhigay & Go’aanka looga Fadhiyo..