Sarkiil Lagu Dilay Is-Qarxin oo Lagula Eegtay Dhisme ku Dhow Wasaarada Gaashandhigga..

Somalia news

Todobaadii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid Amniga Caasimada, tirada Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ay kordheen xili uu Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia uu qaamuuskiiaa ka saaray Hananka isla xisaabtanka & Adkeynta Amniga Caasimada…

Ugu yaraan 5-Qof ayaa ku geeriyootay Qarax shalay ka dhacay agagaatka xarunta Wasaarada Gaashandhigga, sida ay goobjoogayaal iyo Ilo Amni oo loo qaateen ah, Qaraxaan ayaa ahaa Naftii-halige uu isku qarxiyay gudaha Ex Naadigii Saraakiisha, iyadoo Dadka uu galaaftay lagu sheegay 2-Sarkaal oo Ciidamada ka tirsan uuna ku jiro Marxuum Cabdi Axmed Yuusuf (Afar-shaagle).

Sarkaal magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in aan la aqoonsan Naftii haligaha balse uu ahaa Shaqsi aan horey u imaanin halkaasi, Laamaha Amaanka ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan Qaraxaan iyo gaabiska ku yimid Amniga magaalada, iyadoo ay Kooxda argagixisadu ay si joogto ah u bedelaan xeeladaha iyo farsamooyinka ay qaraxyada u adeegsadaan.

Dhanka kale Xalay saqdii dhexe ayaa kooxda argagisada Sgababka ay weerar ku qaadeen Xarunta Degmada Dayniile sida warar hordhac ah aan ku helnay, iyadoo uu ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, inkastoo xilli saq dhexe ah ay aheyd marka uu dhacay weerarka.

266100cookie-checkSarkiil Lagu Dilay Is-Qarxin oo Lagula Eegtay Dhisme ku Dhow Wasaarada Gaashandhigga..