Saraakiil & Mas’uulyiin Hormuud u ah Ciidamo Ethiopian ah Oo soo Gaaray Gobolka Hiiraan

Africa News Somalia news

Faahfaahi dheeraad ah ayaa laga helayaa Saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Gaashadhigga Dowladda Ethiopia, kuwaasoo Gobolka Hiiraan u tagay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada Shabaabka..

Saraakiishaan ayaa waxaa hoggaaminayay General Tesfaye iyo General Xaaji, waxeyna sheegeen inuu socdaalkooda daaran yahay sidii kooxda Shabaabka looga sifeyn lahaa xadka ay la wadaagaan Degaanada ay heystaan, iyagoo kooxda u arka caqabada ugu weyn ee dhanka amaanka ah oo ay qabaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ee Dowlad Degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan iyo Mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakiisha ah, kuwaasoo kulamo kula leh halkaas Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Iyadoo la filayaa iney dhawaan xadka kasoo talaabiyaan Ciidamo Ethiopian ah oo aan ATMIS qeyb ka eheyn, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka Shabaab lagu doonayo in looga saaro Galbeed Hiiraan oo kooxdaasi wali ay ku xoogan tahay.

Si kastaba, Ethiopia ayaa fulisay balanqaadkii ahaa in Ciidamo ka socda Dalalka Kenya iyo Jabuuti la keeno Somalia, kuwaasoo ka madax banaan howlgalka Midowga Afrika, waxeyna toos ugu biiri doonaan howlgalka lagu xoreynayo deegaanada yar ee Shabaab wali ku harsan yihiin.

248090cookie-checkSaraakiil & Mas’uulyiin Hormuud u ah Ciidamo Ethiopian ah Oo soo Gaaray Gobolka Hiiraan