Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Guudlaawe Iyo Adeege Fahad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah laga helayaa Khilaaf xargo goostay oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabelle iyo Agaasimaha NISA Adeege Fahad Yasin, Khilaafkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Maamulka Dowlad goboleedka iyo Xiissdaha Doorashada….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Adeege Fahad Yasin uu amray Gudoomiye kuxigeenka 2-aad Ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabelle Mr.Mahad Xasan Cusmaan inuu qabto mooshin laga diyaariyay, isla markaasna uu dardar geliyo Gole joojinta Madaxweynaha Hir-Shabelle.

Wararka Ayaa sheegay in Mr.Guudlaawe uu bilaabay inuu kala furfuro xargaha uu xirxiray Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Hir-Shabelle, wuxuuna xalay casho sharaf Madaxtooyada Magaalada Jowhar ugu sameeyay Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Guudlaawe ayaa Isniintii dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, ka dib markii toddobaadkii hore uu Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay shirkii wadatashiga ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeesheen magaaladaasi.

94410cookie-checkKhilaaf Soo Kala Dhex Galay Guudlaawe Iyo Adeege Fahad