Ciidamo Isku Dhaf ah Oo Weerar ku qaaday xarun Maxkamadeed Oo Shababku lahaayeen

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga gelayaa Dagaal qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ayaa xiligaan ka socdo degaanka Basra iyo Beerta Marxuum Cali Mahdi oo ku taal inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad iyo Afgooye…

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaan oo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Wararka hordhaca ay sheegayaan Ciidamo ka kala tirsan Boliiska & NISA ay aroortii hore ee saakay weeraro kedis ah ku qaadeen goobtaasi, iyadoo Ciidamada Dowlada ay soo badbaadiyeen tiro badan oo Ganacsato oo halkaasi afduub loogu heystay isla markaasna ay burburiyeen Goobta Shacbiga lagu dhibi jiray.

Degaanka Basra waxa uu muddooyinkaan ahaa meel ay Msleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka ka furteen Maxkamad islamarkaana ay ugu yaraan Ganacsatada iyo Dadka Rayidka, waxaana hadda la wareegay Ciidamada Boliiska & NISA.

211870cookie-checkCiidamo Isku Dhaf ah Oo Weerar ku qaaday xarun Maxkamadeed Oo Shababku lahaayeen