Xafiiska Rooble Oo Soo Saaray Guddiyo Farsamo Oo Baydhabo Ku Kulmaaya

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa Warsidaha Diinah.con news u sheegay in Emailo ka baxay Xafiiskaan loo diray Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo laga dalbaday iney soo magacaabaan Guddiyo farsamo ka socda oo min 2-xubnood ah….

Xogtaan ayaa sheegtay in lagu wargeliyay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir maalinta berri iska xaadiriyaan magaalada Baydhabo, si ay uga shiraan qodobada la isku haayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee September 17.

Wararka sheegaya in Ra’yigaan ay wada gaareen Mr.Farmaajo iyo Rooble, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn iney aqbali doonaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo horey u diiday iney taagan Magaalada Baydhabo oo ay maamulaan Ciidamada Ethiopia oo gacan saar la leh Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

94480cookie-checkXafiiska Rooble Oo Soo Saaray Guddiyo Farsamo Oo Baydhabo Ku Kulmaaya