Dil ka Dhashay Diidmo ay Dadka Degaanka ka Muujiyeen Calanka Somaliland Shacbiga Magaalada Ceergaano.

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil ka dhashay diidmo ay ka muujiyeen Shacbiga magaalada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag in lagu khasbo iney Calanka Somaliland ka taagaan Guryahoida, ayaa la sheegay in falkaasi uu horseedi iney dibbaxyo dhigaan..

Wararka ayaa sheegay in xaalad kacsanaan ah ay jirto magaaladaasi, kaddib isku dhacyo u dhexeeya Xoogaga Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka, Isku dhacaan oo bilowday fiidnimadii xalay ayaa ka dhashay khasaare kadib markii Dhallinyaro kamid ah kuwa degaanka ay ka horyimaadeen in Xaafadaha ay dadkoodu ka degan yihiin magaalada, la suro astaamaha maamulka Somaliland si loogu weyneeyo xuska 18ka May, loogana dabaaldego gooni-goosadka aan lagu guuleysan.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in hal Qof oo Rayid ah uu ku geeriyooday rasaas ay Maleeshiyaadka Beesha Isaaq ku fureen Dhalinyarada diidanaa Amarkaan oo asal ahaan kasoo jeeda Dadka Harti ah, maadama magaalada Ceergaabo u qeybsan tahay labo Daan oo ay kala degaan beelaha (Harti iyo Isaaq).

Isku dhacaan ayaa waxaa ka dhashay tiro dhaawacyo ah ee labada dhinac, waxaana laga soo sheegayaa in qeybo ka mid ah magaalada ka jirto xaalad kacsanaan ah, waxaana magaalada Ceergaabo ayaa tan iyo markii uu bilowday duulaanka Maamulka Somaliland ee Laascaanood laga dareemayay kala shaki soo kala dhexgalay dadka deegaanka.

255530cookie-checkDil ka Dhashay Diidmo ay Dadka Degaanka ka Muujiyeen Calanka Somaliland Shacbiga Magaalada Ceergaano.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com