Ergeyga Qatar Oo Kenya Ka Codsaday Iney La Kulansiiso Madaxda Puntland & Jubbaland

Somalia news

Macluumaad faahfaahsan ayaa laga helayaa isku dayo uu saacadihii ugu dambeeyay uu waday Ergeyga Dowladda Qatar ee ku Magaalada Mogadishu uu ku doonaayay inuu la kulmo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, wuxuuna xiriir ka Sameeyay Dowladda Kenya….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ergeyga Qatar Dr.Mutlaq Al-Qaxtani uu ka codsaday Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inuu kula kulmo Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo weyna ka cuddurdaarteen sababo la xiriira 10-ka dambe ee Bisha Ramadan, kadib wuxuu ka war helay in Mr.Deni iyo Sheekh Axmed Madoobe iney safaro shaqo ku kala bixin doonaan Magaalooyinka Nairobi iyo Dubai.

Wuxuu ka codsaday Dowladda Kenya iney fududeyso sidii uu ugla kulmi lahaa Magaalada Nairobi 2-da Madaxweyne, Marka ay soo dhameystaan safarada Dubai, inkastoo aan weli oggolaansho laga helin Mr.Dani iyo Sheekh Axmed Madoobe.

Ergeyga ayaa Xalay xili dambe ka codsaday Mr.Dani iyo Sheekh Axmed Madoobe iney Aalada Zoom-ka ku wada xiriiraan, codsigaasna dhego u nugul kuma dhicin, iyadoo codsigaasi loo sii marsiiyay Xasan Sheekh.

116300cookie-checkErgeyga Qatar Oo Kenya Ka Codsaday Iney La Kulansiiso Madaxda Puntland & Jubbaland