Riyada Farmaajo iyo Go’aan La’aanta Kheyre

Somalia news

Intii uu socday Kulankii Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa la sheegay in Taageerayaasha Villa Somalia ay ku jah-wareereen dhinaca uu la safan yahay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, kadib markii uu ka gaabsaday inuu muujiyo doorkiisa siyaasadeed mudadii uu shirka ka socday….

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Siyaasada gudaha ayaa sheegay in Mr.Xasan Cali Kheyre uusan ku qanacsaneyn Qaabka, Qorshaha iyo Ritada Rabitaanka Mr.Farmaajo ee doorasho qof iyo cod, islamarkaana uusan si cad u muujin inuu la dhacsan yahay Aragtida Iyo Go’aanada Dowlad goboleedyada.

Siyaasada kama Maaranto Kaftan, Waxaa la sheegay in Kooxda Villa Somalia iyo Kooxaha fooxlayaasha ay riyo ku arkeen in Shacbiga Soomaaliyeed oo u codeynaaya Mr.Farmaajo, Waxeyna riyada ka dhex arkeen inuusan Raali ka aheyn Ra’iisul Wasaaraha sidii ay hirgeli laheyd riyadaasi.

Kaftanka Maqaayadaha Dhuusamareeb ayaa Waxaa lagu hadal hayaa Horjoogihii CBB Cali Daacuun oo naaneys ay u baxsheen “Delivery”, kadib markii Howlihii iyo gudbintiisa farriimaha loo soo dhiibi jiray ee fadhiga Hotel Jazeera uu u soo wareejiyay Maqaayadaha Dhuusa mareeb, wuxuuna hadda ka mid yahay Wafdiga Madaxweynaha la yimid Dhuusamareeb.

“Ninbaa yiri haloo banneeyo wadada Delivery ayuu wadaa, wuxuuna sheegay In Ra’iisul Wasaaraha uu yahay “Laba Wajiile” waana in talaabo laga qaadaa, wuxuuna ku eedeeyay inuu riyada Mr.Farmaajo la qaadan waayay.

49940cookie-checkRiyada Farmaajo iyo Go’aan La’aanta Kheyre