Dood Ka Dhalatay Moos Somalia Oo Saameeyay Laba Dal

Africa News Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dood adag hareeyay Dhoofin Moos lagu Beero Dalka Somalia, kaasoo lagu arkay Suuqyada Dalalka Panama (Latin America) iyo South Africa, iyadoo sidoo la sheegay iney Mooskaasi laga helay Bakteeriyada Helco-Bakteeri), doodaasi oo saameysay Dalalkaasi..

Wasiirka horumarinta Beeraha Panama oo dhacda waqooyiga Ameerika, Mr.Augusto Valderrama ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku beeniyay in moos laga qaaday Somalia dalkiisa la galiyay, kadib macluumaad lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in Moos laga qaaday geeska Afrika lagu iibinayay dalkiisa.

Sidoo kale Dowladda South Africa ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Somalia laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay Dalkaasi, Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha, Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay in aanay jirin Moos ka yimid Soomaaliya oo dhawaan lagasoo dajiyay dekedaha Dalkaasi.

“Waaxdu waxay sheegtay in Koonfur Afrika ay nidaamiso soo dejinta dhirta iyo wax-soo-saarka dhirta iyadoo la eegayo Xeerka Cayayaanka Beeraha, 1983 (Xeer No. 36 ee 1983) iyo xeerarkeeda la xidhiidha, kuwaas oo u baahan in badeecadaha la soo dejiyo lagu kormeero dekedaha ama, wixii laga shakiyana la galiyo karantiil,” ayaa lagu yiri bayaanka.

150140cookie-checkDood Ka Dhalatay Moos Somalia Oo Saameeyay Laba Dal