XOG: Rooble, Deni & Madoobe oo Saacadaha soo socda tagin  Dalka UAE

Somalia news

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa martiqaad u fidisay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaan, waxaana looga hadli doonaa xiriirka iskaashi ee labada…

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Warsidaha Diinah.com news, in Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qaaday Muqdisho diyaarad khaas ah, halka Madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray Nairobi iyo Axmed Madoobe oo maalmo ku sugnaa Nairobi, ay saacadaha soo socda diyaarad gaar ah ka qaadi doonto garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaxal-sugaha UAE uu kala hadli doono Madaxda Soomaalida, sidii looga heshiin lahaa in la isla oggolaado in musharrax Madaxweynaha DFS oo ay ku mideysan yihiin la yimaadaan isla markaasna loo maalgeliyo, ayna iyadu diyaar u tahay dhaqaalaha ku kacayo, baaxada uu doono ha gaaree.

Xogtaan ayaa xaqiijisay in UAE ay haatan meesha ka bixisay Musharrixiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo barbar yaalay, Safarkaan ayaa la filayaa inuu kicin cusub ka abuuro siyaasadda Somalia, xilli Dowlada Qatar ay caddeysay iney Maalgelin doonto Musharixiinta Farmaajo & Sheekh Shariif. 

165010cookie-checkXOG: Rooble, Deni & Madoobe oo Saacadaha soo socda tagin  Dalka UAE