Maamulaha Somali Oil Oo Barwo (Dacwadeed) Loo Diray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal u yeerid ah uu soo saaray mid ka mid ah Kuxigeenada xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, iyadoo loogu yeeray Maamulaha Shirkadda Coastline Exploration oo horay loo oran jiray (Soma Oil & Gas), C/llaahi Shiikhey Baa-xasan, kaasoo ku eedeysan xaraashka shidaalka Somalia…

Waraaq ka soo baxday Xafiiska ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha, Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa C/llaahi Shiikhey, lagu wargaliyay inuu 04-4-2022, oo ku beegan Isniinta soo socota iska soo xaadiriyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud, si wax looga weydiiyo arrimo muhiim ah.

U yeeridda Shiikhey, ayaa ku soo beegantay, xilli uu Wasiirka Batroolka, Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, 15-kii bishii hore Coastline Petroleum, u saxiixay heshiis shidaal oo wax soo saar wadaag 7 xirmood ah, kaasoo wax kama jiraan lagu tilmaamay.

Maamulaha Shirkadda Coastline Exploration C/llaahi Shiikhey Baa-xasan wuxuu saaxiibo hoose yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Khere, kaasoo xilka iyo saamigii uu shirkadda ku lahaaba ku wareejiyay markii uu noqda Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

178460cookie-checkMaamulaha Somali Oil Oo Barwo (Dacwadeed) Loo Diray