Sidee Loogu Dagaalamay Kuraasta Somaliland “Sideese loo kala Adkaaday”

Somalia news

Musharixiinta ku guuleystay Lix kursi oo kamid ah Kuraasta golaha Aqalka Sare DFS ee kasoo jeeda Somaliland oo shalay ka mid noqday Senatorada kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee Dalka, kuraasta si weyn ayaa loogu loolamay, ka sokow Musharixiinta magacyadooda la naadinayay waxaa ku hoos duuganaa dagaal dhinacyo kala duwan oo gadaal ka riixayay…

Kuraastaan ayaa noqday kuwii ugu Dhaqaalaha badnaa oo ay gacantooda ka bixiyaan Musharaxiinta, balse laga soo waariday jeebab kale, Celcelis ahaan durba Dhaqaalaha lagu bixiyey loolankaasi ee gashay gacanta Ergada wax dooranaysay waxaa lagu qiyaasayaa wax ka badan 1-million & 200 oo US$.

Sadex Kursi, ayaana lahaa xiisaha gaarka ah marka laga tago kuwa kale oo sooryeyn la mariyey, Cabdi Xaashi oo 4 sano soo ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia ma marin wax tartan ah, si gacantaag ah ayuuna ku soo baxay, Inuu soo baxana waxay ka dhigan tahay jabka Villa Somalia iyo sii wadida dagaalka Farmaajo.

Guusha Prof.Samatar waa daqar siyaasadeed ku dhacay Farmaajo iyo Kooxdiisa oo loolan adag xalay xili dambe galiyey Prof, Alla-Bari, sidaas oo kale imaanshihiisa Aqalka Sare ayaa labo kursiba Natiijada saameyn ku yeelan doona, Kursiga Aqalka Hoose ee Cabdiraxmaan Beyle ayuu tarar dilaac-weyn isku bedeli kara kusameeyey, sidaas oo kale Kursiga Aqalka Senata-ka ee berri la dooran doono kuna tartamayaan Deka & Hodan, ayuu natiijada Deeqa sara-mariyey, taas oo haddii Deeqo soo baxda ka dhignaan doonta dharbaaxo ay N&N ku ilaawi karto imaanshaha Cabdi Samatar.

143000cookie-checkSidee Loogu Dagaalamay Kuraasta Somaliland “Sideese loo kala Adkaaday”