Saraakiisha Xafiiska Wasiirka 1-aad Oo La Eedeeyay

Somalia news

Waxaa Qeylo Dhaan laga keenay Saraakiisha Mareexaanka iyo Isaaqa ah ee Maamulka Xafiiska Hab-maamuuska (Protocol-ka) Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka, kuwaasoo la sheegay iney dhaqaale weydiistaan Dadka Booqanaaya Xafiiska PM-ka….

Wararka hordhaca ah ayaa sheeegaya in Saraakiishaan ayaa Weydiista Dadka doonaya iney la qaabilo, dhaqaale (Sharuur) dhan 300-US$, si loo fududeeyo inay Ra’iisul Wasaaraha uu qaabilo, Saraakiishaan ayaa la sheegay inuu Hormuud u yahay Moryaanka Cabdirisaaq Caato oo Qaraabadiisa la ah Mr.Farmaajo.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa safaf dheer ugu jira sidii ay ula kulmi lahaayeen Ra’isul Wasaaraha cusub ee Somalia Mr.Maxamed Xuseen Rooble si ay ugala hadlaan arimo inta badan iyaga u gaar ah.

65670cookie-checkSaraakiisha Xafiiska Wasiirka 1-aad Oo La Eedeeyay