Dowlad Oo Qasab Ku Askareyneysa Caruur..

Uncategorized

Hooyo Soomaaliyeed ayaa ku Eedeysay Maamulka Farmaajo In will dhowaan gaangaaray oo ay dhashay si qasab ah loogu qaadaayo Dalka Qatar, si uu u soo qaato tababar Ciidan, iyadoo aan waalidkii dhalay oo aan raali ka aheyn.

Hooyo Shamso Faarax oo u warrantay Telafishanka Universal tv, ayeey sheegtay In Maxamed Xasan uu yahay wiilka kaliyah oo ay dhashay, “Cunugeyga Askari uma rabo, Farmaajo isagaa Madaxweynihii Somalia ah Cunugeyga ha I  siiyo,” Xasan oo da’diisu lagu sheegay 18-jir ayaa qoyska ka maqnaa 14-maalmood, waxaana la sheegay inuu ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal daafaha magaalada Muqdisho, loona diyaariyay safar dibeda ah.

“Marka hore Eritrea ayaa loo qaadayaa ayaa lagu wargeliyay, haddana waxaa loo sheegay in Qatar loo wado,” Wiilka Agoonimo ayaan ku koriyay askari uma rabo, xoogan Waa lagu watay ayeey tiri, inkastoo aysan magacaabin Ciida ka dambeysa falkaan, Hooyo Shamso ayaa sheegtay iney dib u aragto wiilkeeda waxaa shuruud looga dhigay 700-US$ iney bixiso.

Bilihii ugu dambeeyay aad ayeey u kordheen eedeymaha loo jeedinaayo Maamulka Farmaajo iyo Hogaanka NISA, kuna aadan In dalalka Qatar iyo Eritrea loo qaado si qarsoodi ah dhalinyaro, loona soo tababaro Howlaha mukhaabaraadka dharcada ah, waxaana loo balanqaadaa In Marka ay soo dhameystaan tababaro 4-6 Bilood ah la siinaayo 400-US$ ah.

16030cookie-checkDowlad Oo Qasab Ku Askareyneysa Caruur..