Dhaqaalaha Shabaabka Ka Helaan Isbaarooyinka..

Uncategorized

Madaxii hore ee Guddiga Khubarada ee UN-ka ee Somalia Mr.Jay Bahdur ayaa sheegay in Kooxda Shabaabka ay Dhaqaale aad u badan ka helaan tiro Tobanaano Isbaarooyin ah oo ay ku leeyihiin Bartamaha iyo Konfurta Somalia…

Mr.Bahdur oo wareysi siiyay Wargeyska (The Articol), ayuu ku sheegay in Kooxda Shabaabka ay Dhaqaale aad u badan sanadkii ka qabtaan tiro Tobanaano Isbaarooyin ah oo ay ku leeyihiin Gudaha Somalia, waxeyna ka qaadaan Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa rakaabka qaada.

Wuxuuna tusaale u soo qaatay Gaadiidka Rabaabka Qaada ee Basaka iyo Homey ah Bishii laga qaado 200-400 US $ ah, halka Gaadiidka Waa-weyn ay bixiyaan tiro ka badan kuwa Basaska, sidoo kale Waxaa Dhaqaale looga qaada Shatiga Ganacsiga, Taargada, iyo wado marista.

Wuxuu intaasi raaciyay iney koox sirdoon ku leeyihiin Dekadaha Kismaayo, Berbera, Muqdisho iyo Bosaso, iyagoo loo soo gudbiyo Liiska badeecadaha ka soo dega Dekedahaasi, kadibna ugu yeera Ganacsatada xarumahooda lana hordhigo Dukumentiyada dejinta.

Kooxdaan ayaa Shabakado qarsoon iyo unifying wax basaasa ayeey waxey ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda, Waxeyna ku shaqeeyaan Hanjabaado iyo cabsi gelin, hadii aad u kuur gasho, dhinacyada gacan-saarka la leh, jawaasiista iyo fududayeyaasha xog-uruurinta iyo gudbinta Macluumaadka huban, shaqadaan oo ay wada qabtaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida ah.

Maamulka Villa Somalia ayaa lagu dhaliilaa iney ka gaabiyeen wax Ka qabashada dhibaatadaan baaxada leh oo sii fideysa, Madaxweynaha Xiligaan Mr.Farmaajo ayaa xiligii Doorashada balanqaadyadii uu soo bandhigay ku sheegay inuu 2-sano ku af-jari doono kooxda Shabaabka, balse isagoo ay u harsan tahay 1-sano Xil heyntiisa ma muuqato rajo lagu gaari karo guulo lagu faano.

16000cookie-checkDhaqaalaha Shabaabka Ka Helaan Isbaarooyinka..