Ma Dhabaa in Museveni uu Gaari Suuli ah u soo Kaxeystay Dhaarintii M/weynaha Kenya

Africa News

Caadiyan Dhaqanka Madaxda reer galbeedka & kuwa Bariga (Russia & China), ayaa ka taxadara in isticmaalka Suuli ah gaar ah u soo qaataan mararka ay dalal kale booqanayaan, waana arrin salka ku heysa xog raadis xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha, laakin Dhaqankaan in Qaarada loo soo wareejiyo waa mid cusub…

Madaxweynaha Ugandha, Yoweri Museveni ayaa qaaday tallaabo si weyn loo hadal-hayo intii ay socotay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Samoei Ruto, taasoo qabsoomtay talaadadii tagtay, wuxuuna u soo kaxeystay caasimadda Kenya ee Nairobi, gaari noociisu yahay guri kaasoo leh suuli.

Dad badan ayaa ku fasiray kaxeysashada Mr.Yoweri Museveni ee gaariga suuliga ah, inay la xariirto da’da Madaxweynaha oo sababtay inuu xajisan waayo waqti kooban ‘kaadida iyo saxarada’, maadama uu ku dhow yahay 80 sano, Museveni ayaa hoggaanka Ugandha awood kula wareegay sannadkii 1986dii, isagoo xafiiska jooga hada 36 sano. Waxaana uu qabtaa doorashooyin uu dib ugu soo laabto 4 sano mar.

213570cookie-checkMa Dhabaa in Museveni uu Gaari Suuli ah u soo Kaxeystay Dhaarintii M/weynaha Kenya