Kulanka Midowga Africa ee Ka Dhacaaya Addis Abeba & Somalia oo Wafdi u Direysa..

Africa News

Waxaa todobaadkaan lagu wadaa in ka dhaco magaalada Addis abeba Kulan ay yeelanayaan Madaxda Midowga Africa, iyadoo Kulankaasi ay Somalia markii hore u qorsheysa iney u diraan Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka si uu ugu metalo Somalia..

Wararka ayaa sheegaya in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee USA Molly Phee oo wehliyaan Diblumaasiin uu ka mid yahay Ergayga gaarka ah ee USA u qaabilsan Geeska Afrika Michael Hammer, ayaa tagaya magaalada Addis Ababa 12-ka ilaa 17-ka bishan, si ay uga qeyb galaan Kulanka Midowga Afrika.

Molly, ayaa la kulmi doonta Madaxda Dalalka Geeska Afrika, ee ay is faham-waaga u dhaxeyaan, waxayna ku cadaadin doontaa in ay dhameeyaan qadiyadaha dhexdooda yaala oo ay heshiis gaaraan, sidaas oo kale madaxda Ethiopia ayay kala hadli doontaa dagaalada gudaha dalkaasi ka taagan.

Warar hordhac ah ayaa tilaamaya in Madaxweyne Hasan Sheikh uu u safrayo Addis Ababa, si kulamadan qeyb uga noqdo, xili maalmo ka hor wafdiga la qorsheeyey in uu hogaamiyo RW kuxigeen-ka, balse uu yimid cadaadiska Mareykanka ee ah in Addis abeba la iskugu yimaado, inkastoo dhacdada xalay ee Xerada Gen.Gordon ay dhici karto in Madaxwwynaha uu ka baaqdo safarkaasi.

307420cookie-checkKulanka Midowga Africa ee Ka Dhacaaya Addis Abeba & Somalia oo Wafdi u Direysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com