Dowlada Sweden oo Xireysa Dugsiyo Waxbarasho oo Islaami ah & sababta..

World

Maamulka Midigta fog ee Dalka Sweden la sheegay iney ogolaanshihii kala noqotay Dugsiyo Waxbarasho oo Islaamiga ah ayna Maamusho Hey’adda Córdoba International Schools, iyadoo Dowladu ku fasirtay xiritaankaan mid la xiriira afkaarta xag-jirnimada…

Warar laga soo xigtay Maqaal uu daabacay Wargeyska Aftenbladet ayaa sheegay in cabsi laga qabo in la xagjireeyo ama afkaarta xagjirka ah lagu barbaariyo qaar ka mid ah Ardeyda dhigata Dugsigaan Islaamiga ah, iyadoo ay Dugsiga dhigtaan 516 Ardey, waxaana wakhti kama dambeys ah loo siiyay ilaa dhamaadka 2024-ka iney Ardayda la yimaadaan Dugsiyo kale.

Maamulka Dugsiyadaan la eedeeyay ayaa sheegay in tan iyo markii la furay iskuuladda sanadkii 1997, aysan ilaa hada jirin hal ardey oo iskuulkan dhigto oo xagjiroobay ama lagu abuuray fikiradda xagjiradda, Dhanka kale, Tiro badan oo Arday u badan Ajaaniib ayaa Caruurtooda kala qaxay Dugsiyada Dalka Sweden kadib markii ay Dowladda soo saartay in Waxbarashada lagu kordhiyay Casharo la xiriira Maado Jinsiga iyo Isku galmoodka Ragga-Ragga iyo Haween-Haweenka.

290490cookie-checkDowlada Sweden oo Xireysa Dugsiyo Waxbarasho oo Islaami ah & sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com