EU-da Oo Ka Diyaarisay Sharciyo Cusub Qaxootiga

World

Dalalka ku bahoobay EU-da ayaa diyaariyay sharci cusub oo Ujeedada ugu weyn ay tahay sidii loo xakameyn lahaa soogalootiga ayaa la diyaariyay, waxaana la doonayaa in hoos loo dhigo dadka soo gelaya Dalalka EU-da halka kor loo qaadayo dadka dib loogu celinaayo dalkoodi…

Wakiilka arrimaha socdaalka ee Midowga Yurub Ylva Johansson oo ka mid ah dadka sida weyn ugu hawlan soo jeedinta sharciga cusub ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono qaabilaada muhaajiriinta, laakiin dib loo cusbeyneysiinayo sharciga Socdaalka.

Waxaan in badan diiradda saari doonaa dib u celinta dadka magangelyo doonka ah ayey tiri Ylva Johansson iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtey in Midowga Yurub ay taageero xooggan u hayaan qaabilaada dadka magangeliyo doonka ah, laakiin ay welwel ka qabaan sidii loo kala saari lahaa kuwa xaqa u leh in ay helaan magangelyo iyo kuwa aan muteysan in ay sii joogaan Midowga Yurub.

Sharciga cusub ayaa dhigaya in kala shaandheynta magangelyo doonku ay goor hore ka dhaci doonto xuduudka ugu horeeya ee ay ka soo galeen, taasoo aan ka badneyn muddo shan maalmood ah, waxaana meesha laga saarayaa xeryihii qaxootiga ee mudada sanada ah la fadhiyi jirey sidey sheegtey Ylva Johhanson.

Sharciga cusub ayaa dhigaya in qaxootiga ka imaanaya dalalka aan ku jirin kuwa magangelyada la siiyo lagu qaadi doono sharciga xuduudaha oo degdeg dib loogu celinaayo dalkoodi, kiiskoodana aan la fureyn.

62520cookie-checkEU-da Oo Ka Diyaarisay Sharciyo Cusub Qaxootiga