Maxaa Ku Riixay in Midowga Europe uu Deeq yar ku Taageero Ciidamada Xooga Dalka..

Somalia news

Midowga Europe ayaa meel mariyey Deeq lacageed dhan €1-Million, taasoo hoos imanaysa Xafiiska Nabadda ee Europe, si loogu taageero Ciidamafa Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo siinayo Qalab Ciidan oo aan la faahfaahin taasoo siin kara awood wax-ku-ool ah, sida lagu sheegay Bayaan ay Ururkaasi soo saareen…

Horey ayeey EU-da Taageero kor-u-qaadista ah ee loo marayo Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somalia ayaa waxaa ku lamaanan €69 millions oo qalab iyo sahay ah oo la gaarsiiyey Ciidamada Qaranka tan iyo 2019-kii, iyadoo weli lagama maarmaan u tahay in Somalia ay si wanaagsan u hanato amnigeeda.

Ayaan darrose, Halka Million ee Euro xiligaan ma dabooli karto Baahida dhaqaale iyo Qalab ee Ciidamada Dalka, iyadoo lagu sifeeyay Taageeradaan mid aad u yar, weli ma jiro dal ka tirsan EU oo CXD Somalia siiyey agab ciidan oo la taaban karo, marka laga reebo dalka Talyaaniga oo dhowr mar gaadiid ciidanka qaada siiyey Somalia.

290450cookie-checkMaxaa Ku Riixay in Midowga Europe uu Deeq yar ku Taageero Ciidamada Xooga Dalka..