Talo uu Rooble Soo Jeediyay Oo Hir-Shabelle Dhegaha ka fureysatay

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka ayaa Maamulada Jubbaland & Hir-Shabelle u soo jeediyay talo ku aadan in dib loo dhigo Kuraasta muranka & tuhunka boobka ka jiro, si loo helo jawi lagu qaban karo, inkastoo taladaasi ay Hir-Shabelle ay dhegaha ka fureysatay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay, in dhinacyo badan oo saameyn ku leh Siyaasada, Beelaha & Doorashada ay soo jeediyeen in 16-ka Kursi ee Magaalada Garbahaarey & Kuraas kale oo uu ku jiro Hop#086 dib loo dhigo, inkasto Farmaajo & Fahad ay xusul duub ugu jiraan sidii loo qaban lahaa Doorashada Kuraasta kor ku xusan.

Kuraasta Gobolka Gedo ayaa la sheegay halis soo food saartay, kadib markii Ciidamo ka socda Madaxtooyada & NISA xoojin ahaan loogu daadgureeyay magaalada Garbahaarey si ay ugu fududaato iney boobaan Farmaajo iyo kooxdiisa.

Rooble ayaa Farmaajo & Fahad Yaasiin muddo dagaal Siyaasadeed kula jiray, wuxuuna Fahad ka xayuubiyay xilka Agaasimaha NISA sanadkii tagey, si uu Maxkamad usoo taago, maadaama lagu eedeeyay dhowr Kiisas oo ay ugu weyn tahay dilka Ikraan Tahliil Faarax.

169250cookie-checkTalo uu Rooble Soo Jeediyay Oo Hir-Shabelle Dhegaha ka fureysatay