Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Dhabarka Dambe ee Darbiga Xarunta Maamulka G/Banaadir.

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo jugtiisa si weyn looga maqlay qaybo badan oo magaalada ka mid ah ayaa goordhaweyd ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Benaadir, waxaana la helayaa warar ku aadan qaraxaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaani inuu ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday darbiga dambe ee Xarunta Gobolka Banaadir, iyadoo halkaasi inta badan isugu imaan jireen Dadka reer Magaalka ah oo halkaasi isku wareysan jiray , Qaraxa ayaa dhaliyay Khasaare inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada waxyeelada soo gaartay.

Wararka kale ayaa sheegaya in Qofka is-miidaamiyaha ahaa oo laga shakiyay ayaa is qarxiyay markii laga warhelay oo ciidamada amniga ay dabagaleen, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Ugu yaraan laba Qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la Xiray agagaarka goobta qaraxa oo qeyb ahaan ka mida Suuqa Xamarweyne.

301470cookie-checkQarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Dhabarka Dambe ee Darbiga Xarunta Maamulka G/Banaadir.