Xildhibaanad La Eedeeyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Senaterad ka tirsan Golaha Aqalka sare kana soo jeeda degaanada Waooqyiga Somalia ayaa la sheegay iney si daandaansi ah sawiro isaga qaaday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, xili ay Transit ku aheyd garoonkaasi kana timid magaalada Jabuuti…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Xildhibaanad Muno Xasan oo Ka Tirsan Aqalka Gollaha Sare ee Somalia ka Mid ahayd Rakaabka Diyaarad ka Soo Duushay Magaalada Jabuuti kuna soo Socotay magaalada Muqsisho Ayaa Shaqaalaha Diyaarada ka codsatay In loo ogolaado hal Sawir ay ku gasho jaranjarada diyaarada xili ay Transit ku ahayd Madaarka Hargaysa, Daqiiqado kooban oo rakaab kale Diyaarada ka soo galaayay Madaarka Hargaysa.

Sida mudooyinkii ugu dambeeyay dhaqanku ahaa Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka looma oggola iney ka degaan garoonka magaalada Hargeysa, Senaterada ayaan ka dejin sida uu muujinaayo sawirka, wuxuuna dhaliyay xiiso gooni ah iyo in argtiyo kala duwan oo Baraha Bulshada in lagu soo bandhigo, waxeyna Saneterada ku kaftantay Inay Hargaysa Lugaha Dhigtay.

60070cookie-checkXildhibaanad La Eedeeyay