Dugsiyada Waxbarashada oo Dib u Furmay Degmada Xaradheere..

Somalia news

Waxaa dib u furmaaya Dugsiyada degaanada laga saaray Kooxda argagixisada Shababka, xilli uu hakad ku yimid Wajiga 2-aad ee qorshaha dagaal ee Dowlada Federaalka ku dooneyso iney ka sifeeyaan degaanada ay weli maamulaan Shababku oo u badan dhulka miyaga ee howdka ah ee Gobolada dhexe…

Degmada Xaradheere, sida ay faafisay Warbaahinta Dowlada Federaalka, ayaa Ardayda dib ugu laabteen Dugsiyada Waxbarashada si ay u muujiyaan adkeysi kadib muddo sanado badan oo kooxda argagixisada Shababku maamulayeen, iyadoo Beesha Degaanka oo kaashanaaya Ciidamada Dowlada Federaalka ay bilo ka hor qabasadeen.

In ka badan 13-sano ayaa waxaa hakad galay degmooyin badan adeegyadii Waxbarashada, Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada, kafib markii Maleeshiyaadka Shababku la wareegeen kuwaasoo ku Qasbay Dadka rayidka ah iney afkaartooda qasab ku qaataan, waxeyna ku gayeen caburin iyo cabsi gelin, iyadoo Degmada Xaradheere uu waa cusub u baryay.

Dowladda Federaalka ayaa wada mashruuc kor loogu qaadaya tayada Waxbarashada Dalka oo dhan, iyadoo isku dayeysa iney riixdo heer wax-akhriska iyo Qoraalka oo ka mid ah Nidaamka Dowlad dhiska, waxaana la saadaalinayaa in marka la gaaro dhamaadka Bisha Disembar 2024-ka, la qorsheeyay inta badan Degaanada Dalka laga xoreeyo Kooxaha Argagixisada.

275430cookie-checkDugsiyada Waxbarashada oo Dib u Furmay Degmada Xaradheere..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com