Dembilaha Baxsaday Iyo Tuhunka Ku Xeeran

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa uga xog-waramay is-rasaaseyntii Shalay ka dhacday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, isla markaasna lagu dilay tiro Ciidan Qof Rayid ah iyo 4-Dembilayaal ka tirsanaa Kooxda Shabaabka kuwaasoo ka qeyb qaataan dagaalkaasi iyo 11- Maxbuus….

Baaris iyo daba kadib Diinah.com news ayaa loo xaqiijiyay in Dembiilaha ka baxsaday Xabsiga lagu magacaabo Mubaarak Ibraahim Iidle, waxaana la xakumay Sanadkii 2014-kii, iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka siday ay ku riday 10-sano Oo xarig  Ciidan ah, waxaana u harsan as 4-sano, isagoo u suurto gashay inuu ku dagaalamo Bastoolad loo soo fududeeyay.

Wuxuuna ku dilay laba Askari iyo Nin mooto bajaajle ah kadibna ku baxsaday Mootada, wuxuuna Xalay ku hoyday degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha Hogaanka NISA iyo Taliska Asluubta ay wax ka ogaayeen fududeynta baxsashada Maxbuuskaan.

53500cookie-checkDembilaha Baxsaday Iyo Tuhunka Ku Xeeran