Midowga Africa Oo Diiday Dalab Uga Yimid Farmaajo

Africa News Somalia news

Hogaanka Midowga Africa ayaa ku Gacan seyray Dalab Uga yimid Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo kaasoo ahaa in la bedelo Ergeyga cusub ee AU-da u soo magacaaday dhexdhexaadinta Khilaafka Doorashada Somalia, isagoo lagu wado inuu dhowaan soo gaaro Magaalada Mogadishu…

Maamulka wakhtiga ka dhamaaday ayaa lagu eedeeyay iney wakhtiga ku lumineyso marmarsiinyo aan sal iyo raad toona laheyn, waxeyna ujeedada ugu weyn diidmadeeda ay tahay Ergayga cusub in Ergay cusub la soo diro marka Uu Wasiirka 1-aad Rooble Uu kulamo la yeesho Maamulada Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Villa Somalia ay waji gabax kala kulantay isku daygaan uu ku doonaayay inuu wakhtiga ku lumiyo sidii wada hadaladii hore oo kale, isla markaasna ku carqaladeeyo ifafaalaha wada hadalada Guusha.

Wakiilka AU-da ayaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magaalada Mogadishu maalmaha soo socda, wuxuuna Saamileyda Siyaasada Somalia Kala shaqeyn doonaan sidii Dalka looga qaban lahaa Doorasho “ wakhtiga ugu dhow Doorashada”, wuxuuna ka garab shaqeyn doonaa Wakiilka UN-Ka Ee Somalia iyo Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta.

117950cookie-checkMidowga Africa Oo Diiday Dalab Uga Yimid Farmaajo