Eedeysane ka mid ah Kooxo Lagu Eedeyay Iney Dhaqaale Ka Dhaceen Nafaqeynta Caruurta Oo Dhaqaale u Diray Farmaajo…

Somalia news U.S.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Eedeysane ka mid ahaa 47-xubnood oo Xafiiska Dacwad oogaha Mareykanka ku eedeeyeen iney xadeen dhaqaale dhan 250-Millions US$, uu dhaqaale ugu yaboohay Gurigii ay Taageerayaasha Farmaajo u qorsheeyeen iney Mogadishu uga dhisaan…

Eedeysanahaan (Khadar Jigre Adan) ayaa ka mid ah 47-Eedeysane oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhawaaqday dacwado ka dhan ah, iyadoo lagu soo oogay inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu fuliyo dhaqaale looga talo-galay gargaarka nafaqada Caruurta ee Barnaamijks COVID-19.

Xafiiska Xeer ilaalinta USA, ayaa Eedeysane Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan magaalada Lakeville ee Gobolka Minnesota, ku soo oogay dacwad la xiriirta khiyaano iyo dhac farsameysan ee dhaqaale, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag, Eedeysanaha ayaa ahaa maamulaha Lake Street Kitchen, oo ahayd goob qeyb ka ah barnaamijka la tuhunsan yahay in dhaqaalaha lagu lunsaday, goobtaas oo ku taalla xarunta Jigjiga Business Center ee Minneapolis.

Bishii June 5, 2022, Eedeysane Khadar Adan waxa uu boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu si weyn ugu ammaanayo Farmaajo, kuna shaaciyey inuu diray $1,000 oo uu ugu tabarucay Guriga la sheegay in loo dhisayo, waana ayaan darro in Farmaajo oo dhac waday shantii sano ee Maamulkiisa majaraha u hayay uu yabooh dhaqaale weydistay Jaaliyadaha Soomaalida ee dibeda ku nool.

214940cookie-checkEedeysane ka mid ah Kooxo Lagu Eedeyay Iney Dhaqaale Ka Dhaceen Nafaqeynta Caruurta Oo Dhaqaale u Diray Farmaajo…

1 thought on “Eedeysane ka mid ah Kooxo Lagu Eedeyay Iney Dhaqaale Ka Dhaceen Nafaqeynta Caruurta Oo Dhaqaale u Diray Farmaajo…

Comments are closed.