Eedeymo Loo Jeediyay Danjiraha Somalia Ee India

Somalia news

Warbixino hordhaca ah ayaa muujinaaya in Xafiisyada Safaarada iyo qeybaha Qunsuliyadaha Somalia ay Ku leedahay Dalka India ay ku kaceen falal Musuqmaasuq iyo baad Dhaqaale Oo Bukaanada iyo Ganacsatada Soomaalida ee ku xayiray dalkaasi Cudurka Caabuqa ee COVID-19 dartiis lagu soo rogay….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Danjiraha Somalia ee India Mrs.Fadumo Cabdullaahi Isnaaniya, ayaa la sheegay iney ku soo rogtay Bukaanada, Ganacsatada iyo Ardyada dalkaasi ku xayirmay iney bixiyaan Dhaqaale kor saar ah si Diyaaradaha loogu kireeyo, iyadoo Madaxda dowlada ay ku amreen dhamaan safaraddaha iyo qunsuliyadaha inay gacan siiyaan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku xariyan Dalalka Caalamka lana taakuleeyo.

Wararka hordhaca ah ayaa in Danjiraha ay la heshiisay Shirkadda Daalo airlines, waxaana qofkiiba loo sheegay in laga qaadaayo 1087 US$ ah, halka AirJabuuti ay Rakaabka ka qaado 750, Danjiraha ayaa la sheegay iney dacwad u gudbisay Safaarada Jabuuti, iyagoo ku wargeliyay ineysan qaadin Rakaabka Somalia u socda.

Dhanka kale. Danjiraha ayaa dhammaan Isbitaalada ku yaala magalada Hyderabad waxay uqaybisay warqad sheegeysa in aan labaari-karin qof soomaali ilaa uu wato warqad caddeyn ah oo safaradda ka timid mooye, markii horana dadku ma aysan laheen iqtiyaar ay Isbitaakiu doonaan iskaga baraan Cudurada, waxana ay safiiradu heshiis lagashay hal cisbitaal waxayna ku laheed cisbitaalkaas lacag qidmad gaar ah oo qofwalba u saaran.

44300cookie-checkEedeymo Loo Jeediyay Danjiraha Somalia Ee India