Beesha Caalamka Oo Dalab culus u Gudbisay Mursal

Somalia news

Wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Somalia ayaa Fariin u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo dhinaca kale cadaadis ku haya Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland….

Talaabadaan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu qaadacay ka qeybgalka shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kaasoo lagu waday inuu Muqdisho ka furmo maanta, isla markaasna baaqday, iyadoo aan la ogeyn xilliga kale oo uu dhici doono.

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo qaar ka mida safiirka beesha caalamka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh uugudbiyey dalab ah inaan Baarlamaanka ka doodin qoraalkii Doorashada ee uu soo jeediyay Guddiga Doorashooyinka inta laga heshiinayo arrinta Doorashada.

Dhinaca kale Beesha caalamka ayaa cadaadis ku heysa madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo qaadacay shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Golaha Amniga Qaranka, waxayna dadaal ugu jiraan inuu shirkaasi qabsoomo si xal loogu helo arrinta Doorashada oo muran badan ka taagan yahay.

Dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa in muddo ah Madaxweyne Farmaajo ku cadaadinayey inuu qabto shirkii Golaha Amniga Qaran, taasoo uu danbeyn uu ogolaaday Farmaajo, isagoo aqoonsaday Axmed Madoobe, laakiin waxaa xaaladda uga sii daray Xeerkii Metelaadda G/Banadir ee Golaha Shacabka ansixiyey. kaasoo ay si weyn uga hor yimaadeen Puntland iyo Jubbaland.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirta qabsoomida Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, waxaana cadaadis ugu badan wajahaya xilligan Madaxweynaha Puntland oo ku adkeysanaya inaysan Madaxtooyada Soomaaliya daacad ka ahayn arrimaha Doorashada, isla markaana madaxweyne Farmaajo doonayo mudo kororsi.

45860cookie-checkBeesha Caalamka Oo Dalab culus u Gudbisay Mursal