Amni Xumida Caasimada Iyo Caburinta Shacbiga

Somalia news

2-dii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa laga soo sheegaya in Ciidamo dharcad ah oo Bastooladu ku hubeysan ay Howlgalo u muuqda Caburin, jirdilo, Dhaawacyo ay geysteen iyo cabsigelin ka wadaan Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, Kooxahaan Hubeysan ayaa Bakhaarada Xoog ku galaayay kuwaasoo khalkhal geliyay Ganacsatada iyo Shacbiga…

Xogtaan ayaa u Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamadaan Dharcadka ah oo wata Gaadiid aan sumac laheyn oo noodoodu yahay Toyoto Surf, waxeyna ka degeen 4-ta dhinaca Suuqyadaasi, kuwaasoo Bakhaarada xoog ku galaayay, isla markaasna baaris iyo hanjabaado ku haya, sidoo kale waxeyna cabsi gelin ku hayaan Gaadiidka iyo dadka socotada ah.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in doraad ay Xoogagaan hubeysan ay xoog ku galeen Shirkadda ganacsiga ee Baalgorey, iyagoo ka afduubtay dhalinayro k howlgaleysa Shirkadaasi, Shalay ayaa la sheegay iney xoog ku galeen Bakhaarka Shaakir oo ay ku jir dileen Wiil ka shaqeynaayay, iyagoo markii dambey xabad madaxa ugu dhuftay, waxaana la dhigay Isbitaalka Jasiira si loo badbaadiyo Naftiisa, Bukaanka ayaa ku sugan xaalad khatar ah

55800cookie-checkAmni Xumida Caasimada Iyo Caburinta Shacbiga