Gudoomiyayaal Degmooyin oo Somalia ah oo La Kulmay Governor-ka Nairobi..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja, ayaa Arbacadii shalay, ku qaabilay xaruntiisa Wafdi Gudoomiyayaal Degmo ah oo ka socda Gobolada Dalka qaarkood kuwaasoo Safar ku saabsan horumarinta iyo hoggaaminta ku tagay caasimadda Kenya..

Wararka ayaa sheegay in Safarkaan ay soo qabanqaabiyeen WorldVank, iyadoo inta ay ku guda jireen soo dhaweynta wafdiga ayeey xuseen Mas’uuliyiinta Nairobi inay doonayaan inay wax ka bartaan si ay Caasimadooda u horumariyaan, “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan martigelinno Gudoomiyayaasha magaalooyinka Kismaayo, (Cumar Cabdullaahi), Baydhsbo (Cabdullaahi Watiin), (Beleweyne) Nadar Tabaax, Cabdiraxmaan Maxamed Dhuusa-mareeb iyo ku-xigeenka Duqa Muqdisho” ayuu yiri Governor-ka Nairobi.

Maayarada iyo Mas’uuliyiinta ayaa Dalka Kenya u jooga arrimo la xiriira tayaynta iyo qorsheynta mashruuca u adkeysiga magaalooyinka Soomaaliyeed oo uu wado Bankiga Adduunka, Ku soo dhaweyntii Nairobi waxaanu u xaqiijinay in aanu taageerayno dhisidda Degaanadooda.

256440cookie-checkGudoomiyayaal Degmooyin oo Somalia ah oo La Kulmay Governor-ka Nairobi..