Ethiopia Oo Kala Direysa Ciidamada Is-Maamulada Gobolada & Sababta..

Africa News

Qoraal kasoo baxay Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in la kala dirayo dhamaan Ciidamada gaarka ah Dowlad Degaannada dalka Ethiopis, oo ay kamid yihiin ciidamada Liyuu Boliiska degaanka Soomaalida…

Maamulka Addis Ababa ayaa sheegtay in kala dirista Ciidamada gaarka ah ee Degaannada ay la xiriirto dhismaha ciidamo awood u leh ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka dalka Ethiopia, Sidoo kale, Addis Ababa ayaa xustay in ciidamada lagu kala biirin doono kuwa Militeriga iyo Boliiska Dowladda dhexe iyo kuwa Boliiska is-Maamulada Qoomiyadaha kala duwan ee Ethiopia.

Kala dirista clCiidamada gaar ah ee Degaannada Ethiopia ayaa ku yimid heshiis dhexmaray Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxda Maamulada Dalkaasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka oo ay baahisay wakaallada wararka dawladda Itoobiya ee FANA.

Dadka ka faalooda arrimaha Dalkaasi ayaa aaminsan in kala dirista Ciidamada gaarka ah ee Degaannada ay ku timid labo arrimood, kuwaas oo kala ah (in dib loo dhiso Ciidamada Dawladda Federaalka Ethiopia oo burbur xoogan kasoo gaaray dagaalkii ay la galeen Xoogaga Degaanka Tigray ee TPLF iyo in Dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed halis u aragto jiritaanka Ciidamada gaarka ah ee Ismaamulada dalka oo ku dhisan hab-qoomiyadeed.

250130cookie-checkEthiopia Oo Kala Direysa Ciidamada Is-Maamulada Gobolada & Sababta..