Hey’adda IMF Oo Soo Gunaagaday Barnaamijka 5-aad ee Deyn cafinta Somalia..

Somalia news

Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Dalka, Guddiga Sare ee Hey’adda IMF ayaa soo gabagabeeyay dib u eegistii 5aad ee uu ku sameeyay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Somalia…

Mas’uuliyiinta IMF-ta, ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa wayn ku leh, Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la-labo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta qarash-bixinta iyadoo la yareynayo bixinta qarashaadka aan daruuriga ahayn, Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagxoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda Dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

256640cookie-checkHey’adda IMF Oo Soo Gunaagaday Barnaamijka 5-aad ee Deyn cafinta Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com