Wasiirada & Taliyayaasha Ciidamada ee Dalalka ku Bahoobay ATMIS oo Mogadishu soo gaaray Si ay uga…

Uncategorized

Waxaaa lagu wadaa iney magaalada Mogadishu soo gaaraan Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka Ciidamada u soo diray Somalia, iyadoo Wafdiga u horreeyay ee Dalka soo gaaray ay noqdeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Dalalka deriska ee Ciidamada ka jooga Somalia, waxaana Muqdisho ka dhici doona shir Madaxeed amniga, u diyaar garowga qorshaha ATMIS dalka looga saarayo marka waajibaadkooda dhamaado dhammaadka sanadka 2024 iyo taageerida dagaalka dowladdu ku qaaday Shabaabka.

Talaabada cajiibka ah ee u baahan in dib loo milicsado ayaa ah in markii uu dhacay qaraxii 14 October sanadkii 2017 in Madaxweynihii hore Mudane Farmaajo uu safar ku tagay dalalka safka hore ee Ciidamada ka jooga si uu taageero uga helo in dagaal lagu qaado, maantana isla dalalkaas ciidanka ka jooga Somalia ayaa Muqdisho u imaanaya inay taageeraan howlgalka Dowladda qaaday ee dagaalka Shabaab ee dhulka ballaaran lagu xureeyay iyo arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ka mid ah sidii ammaanka xuduudaha dalalkooda loo adkeyn lahaa.


239970cookie-checkWasiirada & Taliyayaasha Ciidamada ee Dalalka ku Bahoobay ATMIS oo Mogadishu soo gaaray Si ay uga…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com