Dagaal Ka Dhacay Degaanka Bacaad weyn

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaabka ay waaberigii saakay usually Weerar ku qaadeen degaankaasi, kaasoo ka dhashay khasaare labada dhinac soo gaaray…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa degaanka ay iska caabiyeen Weerarkaasi, waxeyna labada dhinac isku adeegsadeen noocyada kala duwan Ee Hubka Culus iyo midka fudud.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalka ka soo gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah, inkastoo aan la ogayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, bacdamaa uu weli dagaalku socdo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ay u suurtagashay inay dagaalka ka cararaan ayaa sheegay inay arkayn Shabaabkii weerarka soo qaaday oo watay gaadiidka dagaalka.

75750cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degaanka Bacaad weyn