Fadhigii Maanta ee Xildhibaanada iyo Senatorada oo Koorum la’aan u Baaqday..

Somalia news

Warar hotdhac ah ayaa tilmaamaya in Kulankii Baarlamaanka labada Aqal ee ka dooddida wax ka bedeka Dastuurka ayaa maanta kooram la’aan u baaqday, kadldib markii Xildhibaanada badankood ay soo xaadiri waayeen, iyadoo la sheegaayo in jiro Culeysyo la saaray qaarkood…

Iyadoo maanta loo balansanaa in laga ambaqaafdo Baarlamaanka labada Aqal ka doodista cutubka 3aad ee wax ka bedelka Dastuurka oo maalmahan ku guda-gali jiray ka doodista Dastuurka, iyadoo aan loo eegi jirin buuxsamida kooramka labada aqal, balse Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Cali Shacbaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka labaad C/llaahi Timacadde ayaa maanta ku dooday in aan dooda dastuurka la guda gali karin ilaa laga helo kooram dhamaystiran oo Aqalka sare ah.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa ku dadaaleysa dhameystirka wax ka bedeka dastuurka ka hor fasaxa Baarlamaanka ee 10-ka dambe Bisha Ramadan, balse waxay is hortaagyo kala duwan kala kulmeysaa Siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaano oo aan ku qanacsanayn hannaanka loo marayo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo ay maqan tahay Puntland, waxaana lagu waday in 6-da Bisha Maarso la soo afjaro 4-ta Cutub.

312390cookie-checkFadhigii Maanta ee Xildhibaanada iyo Senatorada oo Koorum la’aan u Baaqday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com