Kooxda Xuutiyiinta Oo Markab Ganacsi ku Weeraray Gacanka Cadmeed..

World

Faahfaahin ayaa laga helayaa howlgal ay Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee gacanta ku haysa caasimadda Sanca iyo qaybo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Yemen, ay weerar ku qaadeen Markab marayey Gacanka Cadmeed, kadib markii ay Kooxda dalkaasi digniino u jeediyeen Maraakiibta..

Kooxdaan ayaa waday Weerarro u badan Gantaalo iyo Drones dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, waxeyna beegsan jireen Maraakiibta u raran Ganacsatada Israel, waxeyna hadda ku dareen kuwa u raran Dalalka USA iyo UK, iyagoo Shuruud uga dhigay joojinta Dagaalka & Duqeynta lagu hayo Shacbiga Magaalada Gazza.

Markabka la weeraray ayaa waxaa iska lahaa Dalka Griiga, balse wuxuu watay Calanka Malta, wuxuuna ka soo shiraacsay Dekeda Eilat Port, Weerarada noocaan oo kale ah ayaa khatar ku ah inay sii xumeeyaan xiisadaha ka taagan gobolka iyo dhaqaalaha jilicsan ee dowlado badan oo ku yaala gobolka.

301600cookie-checkKooxda Xuutiyiinta Oo Markab Ganacsi ku Weeraray Gacanka Cadmeed..