Hadalo Xanaf leh Oo Caro ka Dhalatay uu Jeediyay Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Hadalo xanaf leh oo uu xalay Wasiir ka tirsan Maamulka Dani uu ka jeediyay munaasabad ku aadan hanaanka Doorashada, Mas’uulkaan oo hadlay kaalintii ay dhismaha Nidaamka Dowladeed ee Puntland ka soo qaateen reer Nugaaleed…

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay “Guryihii baa laga kiraystay, Garoobkii baa laga guursaday, Goofkiina qaali buu u noqday” ayuu yiri wasiirku oo ka hadlayay sida ay reer Nugaaleed uga faa’iideen dhismihii Puntland.

Hadalkan oo si aada looga falceliyay baraha bulshada ayaa dadkii qaarkii waxay u arkeen mid gef ah oo ku haboonayn inuu ku hadlo mas’uul ka tirsan Puntland, Wasiir Juxa oo markale ka hadlaya reer Nugaaleed isagoo xiganaya qof kale ayaa sheegay in xilligii Muqdisho burburka ku dhaweyd iyo Garoweda hadda ay isku egyihiin.

1988 – Muqdisho & Abgaal iyo 2022 – Reer Nugaaleed & Garowe waa isku egyihiin: 1988 reer Muqdisho waxay ka shaqaynayeen kotorabaan, dulaal iyo isku dir oo ma aysan arkay in dalkii soo gubtay, hadana reer Nugaaleedka oo baandhadii 1998 isku helay yeekihii iyo baashigii waxaad moodaa in ay sidii u fakarayaan” ayuu yiri Juxa.

Waxaan loogu baaqay in Maamulka Dani uu talaabo ka qaado Wasiirkiisa Arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa oo Aflagaado iyo ceebeyn isugu daray Beelaha Degan Magaalooyinka Mogadishu iyo Garoowe, hadaladaan xanafta leh waa mid xadgudub ah kuna habooneyn inuu ku hadaaqo Shaqsi xil ka haya Maamulka Puntland.

218800cookie-checkHadalo Xanaf leh Oo Caro ka Dhalatay uu Jeediyay Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland