WHO Oo Balanqaaday in Dunida Ka Hirgalineyso UHC

Health World

Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) oo xuseysay 75-sano guuraagii ka soo wareegatay markii dhidibada loo taagay, ayaa ku dhawaaqday iney daafaha Dalalka Aduunka kor u qaadeyso daryeelka Caafimaadka, xaqiijiso u gargaarida Bukaanada u nugul Cudurada iyo iney Balaariso Xafiisyadeeda Aduunka…

Hogaanka Hey’adaan ayaa sheegay in Qaarada Africa ay u nugushahay xaaladaha Caafimaadka kuwaasoo ka dhashay xasilooni darada Siyaasadeed iyo isk horimaadyada hubeysan kuwaasoo Dadka Rayidka ah korkooda lagu dagaalamo, dhacdooyinka Cilimada, faafitaanja cudurada sida Jadeecada, Daacuunka, HIV, iyo Yellow fever.

Saraakiisha Hey’adda Cafimaadka ayaa sidoo kale xusay dhibaatada uu ku Dadka ku reebray Cudurka Covid-19 iyo ololaha Talaalkiisa, waxeyna Dadka ku dhiiri geliyeen in talaalka Cudurkaan la qaato inkastoo uu hoos u dhac xoogan ku yimid, iyagoo qorsheeyay in qaadashada Talaalka uu socon doono ilaa laga gaaro sanadka 2027.

250240cookie-checkWHO Oo Balanqaaday in Dunida Ka Hirgalineyso UHC