Ma Dhabaa in Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Djibouti ay gaareen Xerada Gooja cadde..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Koox Saraakiil ka tirsan Ciidamada isugu dhaf ah oo ka socda Dowladda Djibuoti ayaa maanta abbaare 9:00 subaxnimo lagu wadaa iney gaaraan Xerada Maleeshiyaadka ku sugan Goojaacde (SOOL), kuwaasoo lagu wado iney gacan siiyaan Maleeshiyaadka Beesha Dhexe…

Warar is khilaafsan ayaa ka doo baxaaya Ujeeddada Saraakiisha, iyadoo ilo wareedyo ay sheegayaan iney Gacan ka siin doonaan Horgalada iyo Maleeshiyaadka Somaliland ee gooni-goosadka ah diyaarinta istiraatiijiyad dagaal oo cusub, iyagoo lagu wado iney la kulmi doonaan Horjoogayaasha Maleeshiyada Beesha dhexe iyo shaqsiyaad aqoon u leh ka shaqaysiinta gantaalaha badan ee BM-ka ee ay Jabuuti siiso Somaliland iyo sidoo kale Howlgelinta Diyaaradaha Drones-ka oo ay ugu deeqeen.

Saraakiishaan ayaa si bareer ah u qorsheeyey booqashadooda munaasabada ciida, taasoo u ogolaaneysa inay qariyaan wax kasta oo cadeynaya joogitaankooda, Madaxa Villa Somalia iyo Dhigiisa Djibouti ayaa wada olole lagu caburinaayo Xoogaga Iyo Shacbiga Gobolka Sool sidii ay dib ula midoobi lahaayeen Beesha Dhexe.

Dhanka kale, Dagaalkii shalay dhacay ayaa Xoogaga Somaliland waxaa looga dilay Horjoogayaal muhiim ah, waxaa sidoo kale gacnta lagu dhigay tiro Jawaasiis u hagaysay bartilmaameedka Madaafiicda, Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo badan oo loo daad gureeyay Oog iyo Caynaba, iyadoo la arkayau gaadiid waawayn oo daabulaya maydadka iyo Dhaawacyada Maleeshiyaadka Somaliland.

263150cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Djibouti ay gaareen Xerada Gooja cadde..