Maamulka Gobolka & Hey’adaha Amaanka oo Aamusan Dhibaatooyinka ka taagan Caasimada

Somalia news

Waxaa aad u soo kordhaaya Maalmahaan cabashada Wadayaasha Gaadiidka iyo Mootooyinka kuwaasoo Amni darro iyo burbur xoogan oo Wadooyinka Caadimada xiligaan ka taagan, iyadoo Maamulka Gobolka iyo Hey’adaha Amaanka lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen Howlaha loo igmaday…

Cabashada Wadayaasha Gadiidka oo joogto looga qaado Canshuurta ayaa qeylo dhaan ka soo saaray burburka Wadooyinka qaar kuwaasoo ka muuqda bur bur lixaad leh, halka kuwa kalana ay fadhiyaan biyaha roobabka ka da’ya gudaha magaalada.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa iska indha tiraya dayaca ka muuqda wadooyinka Muqdisho, ilaa iyo iminkana wax jawaab ah lagama hayo, Gadiidleyda iyo wadayaasha bajaajta ee cabaneysa ayaa ah kuwo si joogto ah u bixiya canshuur, taas oo aan la ogayn halka la mariyo, maadama aan wax adeeg ah loogu qaban dadka caasimadda ku nool.

Dhanka kale, waxaa aad u kordhaaya Maalmahaan falal amni darro oo ay geysanayaan kooxo abaabulan kuwaasoo wata Gadiid iyo tiro Mootooyin Bajaaj ah kuwaasoo dhac bareer ah ka geysanaaya Caasimada Kooxahaan ayaa la sheegay iney xiriir hoose la leeyihiin Maamulkii Fashilmay Farmaajo, waxaana la sheegay iney kooxahaan ka tirsan yihiin Boliiska, NISA iyo Xooga Dalka, waxeyna weli ka amar qaataan Farmaajo & Fahad.

197650cookie-checkMaamulka Gobolka & Hey’adaha Amaanka oo Aamusan Dhibaatooyinka ka taagan Caasimada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com