Tiro Ganacsato Ah Oo Lagu Eedeeyay Iney Xiriiro La Leeyihiin Kooxda Shababka

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Hey’addaha Amaanka ee Maamulada Galmudug iyo Puntland oo in muddo ah ku guda jiray sidii Xiisada loogu siibi lahaa Kooxaha Argagixisada Ee ka howlgala Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay iney ku raad joogaan Ganacsato reer Mudug ah, kuwaasoo lagu Eedeeyay iney la shaqeeyaan kooxaha argagixisada ah…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in 24-Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada iyo Gadisleyada ka howlgasha Magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo lagu eedeeyay iney xiriiro dhow la leeyihiin Kooxda argagixisada Shababka, iyadoo la sheegay in Ganacsade Maxamuud Abshir Yuusuf Barre (Dowlad), uu ugu caansan yahay Xubnaha la Eedeeyay isagoo la sheegay inuu ka mid yahay Horjoogayasha Kooxda Shababka.

Xogtaan ayaa la sheegay inuu bixiyay Marxuum Cabdullaahi shiikh oo ku geeriyooday Xabsiga Gaalkacyo, isagoo baaris ku socoto, ayaa bixiyay macluumaadka Ganacsade Dowlad, wuxuuna sheegay iney ahaayeen Shuraako Ganacsi iyo Sxbo isku xiran.

Ganacsade Dowlad ayaa ka baxsaday waqooyiga Magaalada Gaalkacyo markii xogtiisa la helay, waxaana lagu sheegay Dalal kala duwan uu safaro ku tagay balse markii dambe la sheegay inuu Magaalada Hargeysa ayuu degay, isagoo Aqoonsi ka samaystay wuxuuna u dhoofay Turkiga.

126570cookie-checkTiro Ganacsato Ah Oo Lagu Eedeeyay Iney Xiriiro La Leeyihiin Kooxda Shababka